8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 22, 2025
Puntland oo ku eedeysay Dowladda Federaalka inay duullaan ku qaadday degmada Baladxaawo
 

Talaado, Luulyo 22, 2025 (HOL) - Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Cabdi Nuur Maxamed, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay duullaan militari ku qaadday degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo, oo hoos taga maamulka Jubbaland.

Wasiiru-dowlaha madaxtooyada ayaaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada milatari ee dowladda dhexe ay dhaawacayaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay khatar ku yihiin xasilloonida guud ee dalka.

Cabdifataax Cabdi Nuur wuxuu sheegay in ficillada noocan oo kale ah ay wiiqayaan midnimada qaranka iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo amniga Soomaaliya.

Dhinaca kale, wararka laga helayo Balad-Xaawo ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay la wareegeen qaar kamid ah fariisimihii ay horey u joogeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee halkaas tagay.

Xiisaddan cusub ayaa dhalatay kadib markii Dowladda Federaalka ay Cabdirashiid Janan u magacowday Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda ee gobolka Gedo.

Dowladda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay gobolka geysay ciidamo hoos yimaada Janan, taasoo sii hurisay qalalaasaha siyaasadeed iyo amni ee halkaas ka taagan.

Warar aanu helayno ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto sidii ay si buuxda gacanta ugu dhigi lahayd gobolka Gedo, si ay halkaas uga qabato doorashooyin qof iyo cod ah oo la qorsheynayo in lagu qabto lix degmo oo gobolkaas ka tirsan.