8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 22, 2025
Xukuumadda Soomaaliya oo ka dhiidhisay taageerada ay xildhibaanno shisheeye u muujinayaan Somaliland
 

Talaado, Luulyo 22, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay walaaca laga qabo midnimada dalka, isagoo eedeeyay shaqsiyaad uu sheegay in ay u ololeynayaan kala-qaybinta shacabka Soomaaliyeed, hadalkiisa ayaa si gaar ah u taabanayay arrinta weli taagan ee la xiriirta doonista Somaliland ee ah inay ka go'do Soomaaliya inteedi kale.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ay jiraan dad si qarsoodi ah ugu shaqeynaya in dalka la kala gooyo, Wuxuu ku adkeystay in loo baahan yahay feejignaan iyo ka hortag la xiriira fikirradaas kala qeybinaya bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay khatar ku yihiin wadajirka iyo jiritaanka ummadda.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaar ah u xusay in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK ay wadaan olole ay ku taageerayaan gooni-u-goosadka Somaliland, Arintan ayaa dhalisay walaac ka dhex abuurmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dibadda ku nool, taas oo keentay in uu ku baaqo in si cad loo diido isku day kasta oo lagu kala qaybinayo dalka.

"Waa arrin la yaab leh in jaaliyadda Soomaaliyeed aysan si cad uga hadlin dadaallada ay qaar ka mid ah xildhibaanada UK ugu ololeynayaan goosashada Somaliland," ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo midnimada shacabka gudaha iyo dibaddaba.

Xamse Cabdi Barre ayaa carabka ku adkeeyay in la gaaray waqtigii laga hortegi lahaa isku day kasta oo lagu kala qaybinayo dalka, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan difaaca qaranimada iyo wadajirka ummadda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay iska ilaaliyaan qabyaaladda iyo hurinta colaadaha, isagoo sheegay in midnimadu ay tahay furaha lagu wajihi karo caqabadaha horyaalla dalka.