Arbaco, Luulyo 23, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Switzerland ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo lagu horumarinayo adeegyada socdaalka iyo amniga xuduudaha.
Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo tayada adeegyada socdaalka, la kordhiyo aqoonta shaqaalaha, isla markaana la helo qalab casri ah oo lagula tacaalo dukumiintiyada been abuurka ah.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ), Mustafa Duxulow, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda hay’adaha socdaalka, amniga, caddaaladda, iyo arrimaha dibedda ee Switzerland, labada dhinac waxay isla garteen in la xoojiyo wada shaqeynta si loo gaaro yoolal mideysan oo la xiriira amniga socdaalka iyo sharciyeynta dukumiintiyada.
Agaasime Duxulow ayaa uga mahadceliyay dowladda Switzerland qalab ay dhowaan ugu deeqday Soomaaliya, oo loo adeegsado baarista dukumiintiyada socdaalka ee been-abuurka ah, Wuxuu sheegay in qalabkan iyo tababarada la socda ay wax weyn ka tari doonaan tayeynta adeegyada hay’adda HSJ, ayna muhiim u yihiin kalsoonida caalamiga ah ee baasaboorka Soomaaliga.
Wafdiga Mustaf Dhuxulow waxay kulan la yeesheen hay’adda daabacda baasaboorka iyo aqoonsiyada Switzerland, halkaas oo si qoto dheer looga wadahadlay sidii loo horumarin lahaa baasaboorka Soomaaliga loona gaari lahaa heerar caalami ah oo la aqoonsan yahay.
Iskaashigan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto sugidda amniga, tayeynta adeegyada muwaadiniinta, iyo kobcinta xiriirka ay la leedahay dalalka horumaray.