8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 23, 2025
Safiirka Soomaaliya Ee Masar Oo Ka Qayb Galay Kulan Degdeg Ah Oo Looga Hadlayay Go'doominta Gaza
 

Arbaco, Luulyo 23, 2025 (HOL) - Danjire Cali Cabdi Awaare, Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, ayaa ka qeyb galay kulanka degdegga ah ee Ururka Jaamacadda Carabta ee heerka wakiillada joogtada ah, kaasoo ay guddoomisay Dowladda Urdun.

Shirkan gaarka ah ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, waxaana uu diiradda saaray xaalada bini’aadanimo ee aadka u xun ee ka taagan Marinka Gaza, gaar ahaan go’doonka, gaajada, iyo weerarrada joogtada ah ee ay Israel ku hayso shacabka Falastiin, iyadoo la beegsanayo goobaha cunto qaybinta iyo dadka masaakiinta ah ee u baahan gargaar degdeg ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay qorshaha dowladda Israel ay ku wado ee ah dhismaha waxa ay ugu yeereen “magaalo bini’aadanimo” oo laga hirgelinayo koonfurta Gaza, taasoo ay dalalka xubnaha ka ah golaha ku sifeeyeen inay tahay xabsi weyn oo cunsuriyad ku dhisan, islamarkaana ah tallaabo halis ku ah nolosha shacabka Falastiin, oo ujeedkeedu yahay barakicin iyo xasuuq ballaaran.

Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay markale xaqiijinayso mowqifkeedi cad ee ku aaddan garab istaagga shacabka reer Falastiin iyo taageerada buuxda ee xuquuqdooda sharciyaysan, iyadoo isla markaa cambaaraynaysa falalka gardarrada ah ee ka dhanka ah bani’aadannimada.