Hiiraan Online
8/12/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, July 23, 2025
Dagaal khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan
Arbaco, Luulyo 23, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo galabta ka dhacay deegaan u dhaw degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeyay ciidanka Macawiisleeyda iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Macawiisleeyda ka war heleen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaankan oo qiyaas ahaan Maxaas u jira ilaa 16 KM.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dagaalka maanta dhacay khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay xubnaha Al-shabaab ee halkaasi isku aruursanaayay.
"Khawaarij tiro kooban ayay aheyeen saakay ayay soo galeen deegaanka oo waxay bilaabeen iney godad qotaan, waan ka saarnay 4 xubnood ayaan ka dilnay tiro kalana wan dhaawacnay hadana anaga ayaa ku sugan goobahii ay godadka ka qoteen" ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle.
Dagaalkaan galabta ka dhacay duuleedka Maxaas ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle abaabul xoogan ka wadaan degmada Maxaas si ay dib ula wareegaan deegaano dhowr ah oo maalmahii lasoo dhaafay gacanta u galay Maleeshiyaadka Al-shabaab.