Hiiraan Online
8/13/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, July 24, 2025
Howlgal lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Mudug
Khamiis, Luulyo 24, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo Shalay galinkii dambe ciidanka difaaca deegaanka ka fuliyeen deegaanka Cadaleey oo ku yaala duuleedka magaalada Caad ee Koonfurta gobolka Mudug.
Howlgalkaan oo lagu dilay horjogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay ciidamada deegaanka ee magaalooyinka Baxdo iyo Wisil oo ka wada tirsan maamulka Galmudug.
Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalka ku dilay ilaa 9 xubnood oo isugu jira horjoogayaal maleeshiyaad ka tirsan kooxda, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Saldhigii ay halkaas ku lahaayeen Al-shabaab.
Sarkaal ka tirsan ciidamada deegaanka ee howlgalka fuliyay ayaa sheegay in talaabadani ay qayb ka tahay iskaashi balaaran oo shacabka iyo culimada gobolka ay ku doonayaan iney ku wiiqayaan awooda kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaysa deegaanada gobolka Mudug.
Ugu dambeyntii deegaanada ku yaala Koonfurta gobalka mudug waxaa ka dhaca inta badan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaabka ku sugan qeybo ka mid ah Koonfurta gobolkaas ee maamuka Galmudug.