Dooxa Oo Martigelinaysa Shir heer Wasiirro oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya

Khamiis, Luulyo 24, 2025 (HOL) - Magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa Axadda soo socota martigelin doonta shirka heer wasiir ee kooxda xiriirka ee Soomaaliya ee hoos timaada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Kooxdan ayaa la aasaasay sanadkii 2007, waxaana shirka ka qeyb geli doona wasiirro iyo wakiillo ka kala socda dalalka xubnaha ka ah kooxda.
Shirkan oo socon doona laba maalmood ayaa lagu wadaa inuu xoogga saaro sidii loo heli lahaa garab caalami ah oo dheeraad ah oo lagu taageerayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, horumarka, xasiloonida, iyo la tacaalidda masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha soo noqnoqda ee dalka saameynta weyn ku yeeshay.
Dooxa waxay horey u martigelisay shir noocani oo kale ah sanadkii 2019, kaas oo diiradda lagu saaray caqabadaha ay Soomaaliya wajahaysay, gaar ahaan ammaanka, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed si loo gaaro maamul wanaagsan, daahfurnaan, caddaalad bulsho, iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.
Xilligaas, Qatar waxay ku wareejisay dowladda Soomaaliya taageero lacageed oo gaaraysa $25 milyan, taas oo qayb ka ahayd dadaallada lagu dhimayo daynta Soomaaliya ee Bangiga Adduunka, Sidoo kale, Qatar waxay maalgelisay mashaariic horumarineed sida iskuullo, isbitaallo, xarumo caafimaad iyo guryo loogu tala galay dadka saboolka ah.
Dowladda Qatar waxay sidoo kale maalgelisay horumarinta dekedda Hobyo, waxayna taageero la xiriirta ammaanka Soomaaliya ku bixisay iyada oo kaashaneysa Qaramada Midoobay, iyadoo sidoo kale la jaanqaadaysa hawlaha ay wado Midowga Afrika, gaar ahaan howlgallada AUSSOM.