Khamiis, Luulyo 24, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay si degdeg ah u sii daayaan markabka MV Sea World, oo dhawaan laga qabtay xeebaha Puntland, islamarkaana lagu eedeeyay inuu siday hub sharci darro ah.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in markabkaasi uu siday qalab ciidan oo sharciyeysan, loona waday xarunta tababarka ciidamada Soomaaliyeed ee TURKISOM, taasoo ay maamusho dowladda Turkiga.
“Kulan aan la yeeshay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, wuxuu ii sheegay in markabka MV Sea World uu siday qalab ciidan oo loogu talagalay xarunta TURKISOM, Safiirka wuxuu intaas ku daray inuu la xiriiray Puntland, balse wax jawaab ah lagama siin,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Wuxuu sidoo kale sheegay in marka la eego macluumaadka safiirka Turkiga iyo xaaladda markabka, ay Puntland saaran tahay waajibaad sharci ah oo ku qasbaya inay si degdeg ah u fasaxdo markabka, maadaama uu hubkaasi yahay mid loogu talagalay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee la tababarayo.
Markabkan oo la qabtay maalmo ka hor, ayaa sababay khilaaf hor leh oo u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, iyadoo Puntland ay sheegtay in aan la ogeyn cida rasmiga ah ee leh hubka saaran markabka, Dowladda federaalka iyo safaaradda Turkiga ayaase labaduba sheegay in hubkaasi ahaa mid sharci ah oo loogu talagalay howlaha difaaca iyo tababarka ciidamada.
Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay ka fogaadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara hawlaha dib-u-dhiska ciidamada iyo wada-shaqeynta ay Soomaaliya la leedahay saaxiibada caalamiga ah.