Khamiis, Luulyo 24, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal), iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar rasmi ah ku jooga Taiwan, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, waxaana ay kala saxeexdeen heshiis ku saabsan sugidda amniga biyaha Somaliland.
Heshiiskan oo muddooyinkii u dambeeyey ay jirtay hadal hayntiisu, ayaa maanta si rasmi ah loo saxeexay. Wasiir Bakaal ayaa sheegay in heshiiska maanta ay la gaadheen Taiwan uu horseed u noqon doono horumar weyn oo labada dhinacba wada gaadhaan.
"Waa farxad weyn inaan la kulmo Madaxweynaha Taiwan, ChingteLai. Heshiiska maanta la saxeexay waxa uu calaamad u yahay horumar weyn oo ku yimid iskaashiga naga dhexeeya. Waxaannu ku faraxsanahay inaan Taiwan isla garab istaagno sidii aan uga wada shaqayn lahayn amniga badda, kobcinta dhaqaalaha buluugga ah, iyo qiyamka dimuqraadiyadeed ee aan wadaagno. Cutub cusub ayaa maanta furmay," ayuu yidhi Wasiir Bakaal.
Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, ayaa isaguna heshiiska ku tilmaamay mid bog cusub u furaya iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda uu heshiiskani u leeyahay labada dhinac.
"Waan ku faraxsanahay inaan Taiwan kusoo dhaweeyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, iyo weftiga Somaliland. Heshiiska maanta ee ilaalinta badda oo diiradda saaraya sugidda amniga xeebaha iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah, waxa uu qaramadeenna u furayaa bog cusub oo iskaashi, waxa uuna caddeynayaa adkaysiga gaashaanbuurta dimuqraadiyadeed," ayuu yidhi Lai Ching-te.
Sida ay warbaahinta caalamiga ahi sheegtay, heshiiskan ayaa la filayaa inuu horseedo in Somaliland ay Taiwan ka hesho hub iyo gaadiid casri ah oo ay isticmaalaan ciidamada badda, taas oo kor u qaadi doonta amniga xeebaha Somaliland, maadaama haatan aysan ciidamadu haysan hub culus iyo gaadiid tayo leh.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo hore u ballanqaaday inuu xoogga saari doono dhismaha iyo tayeynta ciidamada, ayaa Taiwan u arka meel ay Somaliland ka heli karto taageero ciidan iyo iskaashi dhaqaale, iyadoo Taiwan tahay dhaqaalaha 20-aad ee ugu weyn caalamka.
Taiwan ayaa sidoo kale xulufo dhow la leh waddamada Reer Galbeedka, taas oo Somaliland u aragto fursad ay uga faa’iidaysan karto ololaheeda aqoonsi raadinta ee haatan si xooggan uga socda waddamada Maraykanka iyo Ingiriiska.
Haddaba, lama oga jawaabta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka bixin doonto heshiiskan cusub ee badda, iyadoo ay suurtagal tahay in uu horseedo in ciidamada Taiwan ay yimaadaan gudaha Somaliland. Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga soo horjeedsatay heshiisyo badeed oo hore Somaliland u gashay.