8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 25, 2025
Cudurrada Faafa oo Ku soo Batay Soomaaliya sababo la xiriira hoos u dhaca gargaarka

Jimco, Luulyo 25, 2025 (HOL) -  Tirada kiisaska shan cudur oo faafa ah ayaa laban laab ka noqday gudaha Soomaaliya tan iyo bartamihii Abriil, kadib markii hoos u dhac ku yimid gargaarka bani’aadannimo uu sababay in boqolaal xarumo caafimaad ah la xiro. Sida ay sheegtay hay’adda Save the Children, xaaladdan ayaa si gaar ah u saameysay carruurta ka yar shan sano jir oo hadda ah ku dhowaad 60% dadka uu cudurku haleelay.

Cudurro ay ka mid yihiin jadeecada, difteeriyada, Xiiqdheerta, shuban biyoodka iyo infekshannada neef-mareenka ee daran ayaa kor uga kacay 22,600 ilaa in ka badan 46,000 tan iyo Abriil. Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay in toddobaadkii la soo dhaafay oo keliya ay diiwaangeliyeen 357 kiis oo cusub oo cudurro laga hortagi karo ay haleeleen carruurta yaryar.

Intaa waxaa dheer, sanadkan gudihiisa waxaa la diiwaangeliyay 6,267 kiis oo looga shakisan yahay shuban biyood, 60% oo ka mid ahna ay yihiin carruur da’doodu ka yar tahay shan sano, waxaana la xaqiijiyay in ugu yaraan siddeed qof ay u dhinteen cudurkan.

Sida ay hay’adda Save the Children sheegtay, cudurradaas faafa ayaa si aad ah ugu fiday xeryaha dadka barakacay oo ay ka jiraan duruufo adag sida ciriiri, nafaqo-darro iyo adeeg caafimaad aad u kooban. Xarumo badan oo caafimaad oo muhiim ah oo bixiya tallaalka, daaweynta iyo wacyigelinta bulshada ayaa xirmay, waxaana la saadaalinayaa in ilaa 55,000 oo carruur ah ay waayi doonaan adeegyada nafaqada badbaadinta nolosha, kaddib markii la xiray ku dhowaad saddex meelood meel xarumihii ay Save the Children maamuli jirtay.

Maxamuud Maxamed Xasan, Agaasimaha Guud ee Save the Children ee Soomaaliya, ayaa sheegay in xaaladdan ay muujinayso sida jarista gargaarka ay si toos ah u saameyneyso nolosha carruurta Soomaaliyeed. “Carruur horay ayaa ugu dhimatay cudurro aan horey u daaweynay oo aynu xakameynay.

Haddii aan si degdeg ah loo soo celin gargaarka loona kordhin taageerada nidaamka caafimaadka, waxaan ka baqeynaa in xaaladdu ay si xun u sii darto,” ayuu yiri.

Save the Children ayaa ugu dambeyn ku baaqday in si degdeg ah loo maalgeliyo nidaamka caafimaadka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo kor u qaadista adeegyada tallaalka, la socodka cudurrada, iyo helitaanka adeegyo caafimaad oo aasaasi ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurrada halista ah loona badbaadiyo carruurta