Jimco, Luulyo 25, 2025 (HOL) - Ciidamada amniga Puntland oo kaashanaya saaxiibadooda Mareykanka ayaa howlgallo qorshaysan ku qabtay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda ISIS, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagusoo daabacay boggaga internetka ee howlgalka la dagaalanka Argigixisada ee Hillaac.
Sarkaalka la qabtay ayaa lagu magacaabaa Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf (Abdiweli Walalac), kaasoo ahaa madaxii xiriirka shisheeye iyo maaliyadda ee ISIS-Soomaaliya. Waxaa sidoo kale wehliyay Laba qof oo kale kaddib howlgal ka dhacay gobolka Bari.
Cabdiweli Walalac ayaa bishii Luulyo 2023 waxaa cunaqabatayn kusoo rogay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, iyadoo ku dartay liiska Argagixisada Caalamiga ah ee Gaar ah (SDGT).
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska La-dagaallanka Argagixisada ee Mareykanka (OFAC), Cabdiweli wuxuu door muuqda ka qaatay keenista dagaalyahanno shisheeye, sahay militari iyo rasaas uu u fidiyay kooxda ISIS-Somalia, taasoo xarun u ahayd isku xirka dhaqaale iyo hagista howlaha ISIS ee Afrika.
Kooxda ISIS-Somalia ayaa lagu eedeeyay inay si ba’an u baadhaan ganacsiyada maxalliga ah, gaar ahaan magaalada Boosaaso, iyagoo lacagahaasi u dira kooxda ISIS ee qaaradda Afrika iyaga oo adeegsanaya habab kala duwan sida lacagaha moobilka, xawaaladaha iyo bangiyada. Warbixinnada ayaa muujinaya in sannadkii 2022 kooxda ay ka heleen ku dhawaad $2 milyan oo baad ah, halka sanadkii ka horreeyay ay ahayd $2.5 milyan.
Tan iyo 2019, Cabdiweli wuxuu ahaa madaxa maaliyadda kooxda ISIS-Somalia, wuxuuna xiriir dhow la lahaa hoggaamiyeyaasha kale ee kooxda sida Abdirahman Fahiye Isse iyo Abdiqadir Mumin, kuwaasoo horey loogu daray liiska cunaqabataynta.