Madaaxweynaha Faransiiska oo ku dhawaaqay in dalkiisu dhawaan aqoonsanayo Falastiin

Jimco, Luulyo 25, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu si rasmi ah bisha Sembtember u aqoonsandoono dawlad madax-bannaan oo reer Falastiin ah, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo lagama maarmaan u ah xal nabadeed oo waara.
Go’aankan ayaa yimid xilli xiisadda Qasa ay gaadhay heer musiibo bani’aadannimo ah, halka ay sidoo kale kor u kacday taageerada caalamiga ah ee loo hayo qadiyadda Falastiin.
Ra’iisul Wasaaraha Britain, Sir Keir Starmer, ayaa isna Khamiistii sheegay in madax-bannaanida Falastiin ay tahay “xaq aan laga gorgortami karin,” isagoo intaa ku daray in xabbad-joojin degdeg ahi ay horseedi karto waddo loo maro aqoonsiga dawlad Falastiin ah iyo xal laba dowladood ah oo nabad loogu abuuro labada dhinac.
Starmer wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay inuu si degdeg ah xidhiidh ula yeelanayo hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Jarmalka si looga wada hadlo sidii loo joojin lahaa dhiigga daadanaya, loona fududayn lahaa gaadhsiinta gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah.
Dabayaaqadii Jimcaha, Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Britain ayaa ugu baaqay dawladda in ay si rasmi ah u aqoonsato dawlad Falastiin ah “inta ay goori goor tahay.” Warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in “xaq aan la dafiri karin aan loo dhigi karin shuruudo siyaasadeed.”
Dhanka Qaaradda Aasiya, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa si diirran u soo dhawaysay go’aanka Faransiiska, iyagoo sheegay inuu muujinayo isku raaca caalamka ee ku aaddan xaqa shacabka Falastiin u leeyahay is-maamul iyo qaran madax-bannaan.
Xamaas, oo ah xoogga ugu weyn ee ka taliya Marinka Qasa, ayaa go’aanka Faransiiska ku tilmaantay “tallaabo togan oo u socota jihada saxda ah,” waxayna ugu baaqeen dhammaan dalalka kale in ay raacaan dariiqa Faransiiska.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Faransiiska. Qoraal uu soo dhigay barta X (Twitter) ayuu ku yidhi: “Dowladda Falastiin oo la aqoonsado waxay noqon doontaa saldhig lagu weeraro Israa’iil, halkii ay noqon lahayd mid nabad kula noolaata.” Wuxuu intaa ku daray in “dadka reer Falastiin aysan rabin in ay daris la noqdaan Israa'iil, balse ay rabaan mid Israa’iil beddesha.”
Xogta Qaramada Midoobay waxay muujinaysaa in in ka badan 140 dal oo ka tirsan xubnaha Qaramada Midoobay ay si rasmi ah u aqoonsadeen dawlad Falastiin ah, waxaana ku jira dalal ka tirsan Midowga Yurub sida Isbayn iyo Ireland.
Tan iyo weerarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil bishii October 2023 oo ay ku dhinteen 1,200 qof, ciidamada Israa’iil ayaa bilaabay duqeyn ba’an oo ku weerareen Marinka Qasa. Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 59,106 Falastiiniyiin ah lagu dilay, badidooduna ay yihiin haween iyo carruur.
Wasaaradda caafimaadka ee Qasa waxay sheegtay in burburka kaabeyaasha nolosha iyo isbitaallada uu sababay in malaayiin qof ay la ildaran yihiin gaajo, biyo la’aan iyo adeeg caafimaad oo liita. UNRWA ayaa Khamiistii sheegtay in saddexdii caruurta ah ee Qasa ku nool uu mid ka mid ah noqday nafaqo-darro ba’an, tiraduna sii kordhayso maalin kasta.
In ka badan 100 hay’adood oo caalami ah iyo ururro xuquuqda aadanaha ah ayaa si wadajir ah u sheegay in Qasa ay wajahayso khatar gaajo guud ah, waxayna ugu baaqeen dowladaha caalamka in ay si degdeg ah u qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah.