Jimco, Luulyo 25, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa Khamiistii si kulul uga hadlay xaalada bani’aadannimo ee kasii daraysa ee ka jirta Marinka Qasa, isagoo ku tilmaamay mid “aan loo qiil dayi karin oo aan la difaaci karin.”
Starmer wuxuu sheegay in xaaladda Qasa ay gaadhay heerar cusub oo halis ah, isagoo ku tilmaamay mid sii xumaanaysa maalinba maalinta ka dambaysa, taas oo abuuraysa musiibo bani’aadannimo oo baaxad leh.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku dhawaaqay inuu samayn doono wicitaan degdeg ah oo uu la yeelanayo waddamada E3 (UK, Jarmalka, iyo Faransiiska) si ay uga wada hadlaan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo dagaalka, loogana jawaabayo baahiyaha dadka rayidka ah.
“Waxaan ka shaqayn doonaa sidii si degdeg ah loogu joojin lahaa dilka iyo sidii dadka loo gaadhsiin lahaa cuntada iyo gargaarka kale ee ay aadka ugu baahan yihiin,” ayuu yidhi Starmer.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dhammaan dhinacyada caalamka ay isku waafaqsan yihiin baahida degdegga ah ee loo qabo in Israa’iil ay beddesho jihada ay ku socoto oo ay gargaar bani’aadannimo u ogolaato Qasa si aan dib u dhac lahayn.
Starmer wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada is haya inay si daacadnimo leh oo degdeg ah ugu wada hadlaan sidii loo gaadhi lahaa xabbad-joojin degdeg ah, isagoo Xamaas ugu baaqay inay si shuruud la’aan ah u sii dayso dhammaan la haysteyaasha. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Britain ay si buuxda u taageerayso dadaallada diblomaasiyadeed ee ay wadaan Maraykanka, Qatar, iyo Masar, si loo gaadho xabbad-joojin iyo xal waara oo nabadeed.
Sidoo kale, wuxuu xusay in aqoonsiga dowlad madax-bannaan oo reer Falastiin ahi uu yahay mid lagama maarmaan u ah xal kasta oo waara oo laga gaadho colaaddaas, isagoo sheegay in madax-bannaanida Falastiin ay tahay “xaq aan laga gorgortami karin.”
“Xabbad-joojin degdeg ah waxay noo horseedi doontaa waddo loo maro aqoonsiga dowlad Falastiin ah iyo xal laba dowladood ah, taas oo dammaanad qaadaysa nabadda iyo amniga labada shacab ee Falastiin iyo Israa’iil,” ayuu yidhi Starmer.
Tan iyo bishii October 2023, Israa’iil waxay ku dishay in ka badan 59,500 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo badidoodu ay yihiin haween iyo carruur, waxaana duqeymahaasi burburiyeen xarumo caafimaad, kaabeyaasha nolosha, iyo sahayda cuntada.
Bishii November 2024, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) waxay soo saartay amar qabasho oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant, halka Israa’iil ay sidoo kale wajahayo dacwad ka socota Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) oo lagu eedeeyay gumaad ka dhan ah shacabka Qasa.