8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2025
Xisbiga Himilo Qaran oo cambaareeyay tallabaadi ay Dowladda Ciidamo ugu dirtay Gedo
 

Sabti, Luulyo 26, 2025 (HOL) - Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarro isdaba joog ah oo uu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku qaaday maamulka Jubbaland, gaar ahaan kuwa ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Bayaan rasmi ah oo uu xisbiga soo saaray ayaa lagu sheegay in weerarradaasi yihiin "kuwa aan la aqbali karin," isla markaana wax laga xumaado ay tahay in dowladda dhexe ay ciidamo diyaarado saaran u dirto dowlad goboleed, iyadoo la sheegayo in cadowgii ummadda Soomaaliyeed ay kusoo dhowaanayaan magaalada Muqdisho.

“Waxaa wax lala yaabo ah in dhaqaalihii, hubkii iyo ciidankii Soomaaliyeed loo adeegsado dano gaar ah, iyadoo laga weecinayo meelihii loogu talagalay ee ahayd la dagaalanka kooxaha argagixisada ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Xisbiga Himilo Qaran.

Xisbiga ayaa sidoo kale ka digay in ciidamada qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed, isagoo sheegay in taasi ay keeni karto kala aamin bax qaran, kalsooni darro, iyo fursad ay ka faa’iideystaan kooxaha diidan dowladnimada iyo nabadda Soomaaliya.

“Dalkeenna uma baahna dagaal sokeeye iyo barakac bulsho, Waa masuuliyad darro in la isku baabi’iyo ciidankii qaranka, wakhti baahi weyn loo qabo iskaashi iyo midnimo lagu wajahayo argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu xukuumadda dhexe ugu baaqay inay ku raadiso wada-hadal nabadeed xal kasta oo khilaaf ah oo kala dhexeeya dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland. Waxa uu xisbiga sheegay in aan xal lagu gaari karin "qori caaradiis iyo gacan ka hadal," cid kasta oo ka aragti duwan dowladda dhexe.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin dib-u-heshiisiin, mana u baahna wixii hore u kala geeyay. Xalku ma aha xoog iyo jajuub siyaasadeed,” ayuu xisbiga yiri.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa fariin toos ah u diray hoggaanka sare ee dowladda Federaalka, isaga oo ugu baaqay in ciidamada Qaranka laga ilaaliyo in loo adeegsado ujeeddooyin siyaasadeed ama dano gaar ah, taas oo haddii ay dhacdo keeni karta khatar weyn oo amni iyo mid siyaasadeedba leh.