8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Jabuuti si uu ula Kulmo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
 

Sabti, Luulyo 26, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulamo la yeelan doono dhiggiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi istaraatiiji ah oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo labada hoggaamiye ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim ah oo quseeya labada dal iyo gobolka guud ahaan.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle ayaa kulankooda diiradda ku saari doona, Xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaalaha, Adkaynta amniga gobolka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha xagjirka ah, Taageerada geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Horumarinta ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Jabuuti ayaa door muuqda ka ciyaartay nabadeynta iyo taageerada Soomaaliya tan iyo burburkii dowladnimada, taas oo maanta sii xoogeysaneysa.
Jabuuti ayaa martigelisay shirar badan oo dib-u-heshiisiin ah, waxayna qeyb ka tahay howlgalka nabad-ilaalinta ee AUSSOM, Sidoo kale, ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa si joogto ah uga qeyb qaata sugidda amniga, gaar ahaan gobollada dhexe.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaaneysa xilli gobolka uu marayo xaalado isbedbedel leh, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, siyaasadda iyo isbeddelka isbahaysiyada caalamiga ah.