Hiiraan Online
8/12/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, July 26, 2025
Xildhibaan Ilhaan Omar oo Mareykanka ugu baaqday inuu ka tanaasulo hubka Nukliyeerka
Sabti, Luulyo 26, 2025 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga (D-MN) ayaa dalbatay in Mareykanku ka tanaasulo dhammaan hubkiisa nukliyeerka.
Ilhaan waxay hadalkan jeedisay iyadoo ka qeyb galaysay xuska sannadguuradii 80-aad ee duqeymihii nukliyeerka ahaa ee lagu qaaday magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki.
Xildhibaanadda ayaa ka hadashay fadhiga Aqalka Wakiillada iyadoo ugu baaqday Mareykanka inuu taageero Heshiiska mamnuucaya Hubka Nukliyeerka.
Ilhaan waxay digniin ka bixisay khatarta joogtada ah ee hubka nukliyeerka. Waxay intaas ku dartay in Mareykanku uu hoggaan u noqdo dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu baabi’iyo hubkaas.
“Waxaan dooran karnaa in aan ka tirtirno hubkan argagaxa leh dhulka, ama aan isticmaalno oo aan baabi’ino aadanaha,” ayay tiri Ilhaan Omar.
Waxay tusaale u soo qaadatay meelaha xiisaduhu ka taagan yihiin sida: xiisadda u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan, khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan, iyo dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Yukrayn, iyadoo sheegtay in ay tani muujinayso sida ay dunidu weli ugu dhowdahay musiibo nukliyeer ah.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay kordheen khatarahaas, Ilhaan Omar waxay ku doodday in Mareykanku uu ka tanaasulo difaacyadiisa nukliyeerka ah.
Ilhaan waxay ku doodday in kaydka caalamiga ah ee hubka nukliyeerka uu weli halis ku yahay sii jiritaanka aadanaha.
Xildhibaanadda ayaa sidoo kale iftiimisay saameynta gudaha Mareykanka ee ay leedahay horumarinta hubka nukliyeerka. Waxay sheegtay bulshooyinka loo yaqaan “downwinders” ee ku nool gudaha Mareykanka in ay waxyeello kasoo gaartay suntii hawada kusii degtay xilliyadii la tijaabinayay hubka nukliyeerka.