8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2025
Golaha Cuqaasha reer Maakhir oo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ugu baaqay inuu dhex dhexaad ka noqdo dhismaha maamulka SSC Khaatumo

Axad, Luulyo 27, 2025 (HOL) - Golaha Cuqaasha reer Maakhir ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa soo saaray war-murtiyeed ka tarjumaya mowqifkooda ku aaddan dhismaha maamulka cusub ee laga hirgelinayo gobollada Sool, Sanaag, Cayn iyo Haylaan.

Cuqaasha, oo qeyb ka ah ergada ka qeybgaleysa shirweynaha maamulka SSC-Khaatumo, ayaa si adag u cambaareeyay waxay ugu yeereen isku day lagu marin habaabinayo rabitaanka shacabka, iyagoo tilmaamay in dadaallada noocaas ah ay hor istaagayaan horumarka ay bulshada mudan tahay.

Waxay si gaar ah uga digeen in danaha siyaasadeed ee gaar ah lagu dhex wado hanaanka dhismaha maamulka, iyagoo ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya – gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha – in uu dhowro dhexdhexaadnimada lagama maarmaanka ah, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka ee geeddi-socodka maamulka.

Sidoo kale, Golaha Cuqaasha waxa ay xuseen muhiimadda ay leedahay in la iska ilaaliyo musuqmaasuqa iyo danaha iska soo horjeeda ee carqaladeyn kara dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, iyagoo ku baaqay in geeddi-socodka maamulka cusub uu noqdo mid hufan, cadaalad ah, oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka deegaanka.

Cuqaasha waxay ugu baaqeen  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre inay si dhab ah u dhagaystaan codka shacabka iyo baahida loo qabo maamul rasmi ah oo aan lagu salayn dano gaar ah.

Waxay ku adkeeyeen in maamulka cusub uu noqdo mid bulshada u aragto inuu yahay rajo-dhalin iyo xalka cadaadiskii iyo kala dambeyn la’aantii muddada dheer ay la tacaalayeen dadka deegaanka.

Hadalkan golaha ayaa imaanaya xilli lagu wado in maanta si rasmi ah loo shaaciyo magaca rasmiga ah ee maamulka, caasimaddiisa, iyo in lagu dhawaaqo sida loo qaybsanayo tirada xildhibaannada golaha wakiillada maamulka SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale, waxaa wali taagan dood adag oo ku saabsan tirada xildhibaannada iyo saami-qaybsiga awoodda, taasoo u baahan in si dheellitiran oo loo dhan yahay loo wajahdo.