8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2025
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Axad, Luulyo 27, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab aroornimadii hore ee saakay ku qaadeen deegaanka lagu magacaabo birta mudan  oo u dhaxeeya degamada Maxaas iyo deegaanka Wabxo.

Weerarka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa labada dhinac waxay isku aadeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay deegaano ka fog fog halka uu dagaalka ka dhacay.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha dhabta ah. 

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleyda degmada Maxaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka kooxda ay si weyn isaga difaaceen, islamarkaana jab xoogan ay gaarsiiyeen maleeshiyaadkii weerarka kuso qaaday.

Wuxuu sidoo kale sarkaalku sheegay in deegaanka Birta mudan iney hada gacanta ku haayan ciidamada Macawiisleyda degmada Maxaas ayna fashiliyeen damacii kooxda Al-shabaab.

Weerarkaan saakay ka dhacay Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay Maxaas ay gaarayeen boqolaal ka tirsan ciidamada Macawiisleyda Xawaadle oo ka kala tagay deegaanada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan, kuwaas oo wada abaabulo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah Hiiraan.