8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2025
Kooxda Al-shabaab oo la wareegtay gacan ku heynta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan
 

Axad, Luulyo 27, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay gudaha u galeen magaaladaas, kadib dagaal muddo dhowr saacadood qaatay oo halkaas ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo dhinac ah iyo kooxda Al-shabaab. 

Dagaalka oo soo bilaawday aroornimadii hore ee saakay ayaa kooxdu qaraxyo ismiidaamin ah kula jarmaaday fariisimaha ciidamada iskaashanaya ay ku lahayeen duuleedka magaaladaas.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka maanta Al-shabaab kula wareegeen Maxaas inuu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee halkaasi ka dhaca sanadahii lasoo dhaafay.

Magaaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ahayd meelaha ay saldhigyada istiraatiijiga u ahaa xoogaga Macawiisleyda iyo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab, waxaana halkaas horay marar kala duwan booqasho ku tagay madaxweyne Xasan Sheekh.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan la wareegista degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo aheyd taliska ugu weyn ee mudooyinkii dambe laga waday abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.