8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 27, 2025
NISA oo gacanta kusoo dhigtay rag ka tirsan kooxda Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ku tagay Afgooye
 

Axad, Luulyo 27, 2025 (HOL) - Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee hoostaga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan labo xubnood oo ka tirsan kooxda Al shabaab kuwaas oo si dhuumaaleysi ah ku galay magaalada.

War rasmi ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in mid kamid ah ragga la qabtay uu ahaa horjooge sare oo u qaabilsanaa Al shabaab uruurinta lacagaha baadda ah ee laga qaado ganacsatada iyo shacabka, Xubinta labaad ayaa kasoo jeeday waaxda "amniyaadka" ee kooxda, isagoo ku howlanaa uruurinta xogta ciidamada dowladda iyo qorsheynta dilalka qarsoon ee kooxda Al shabaab fuliso.

Qabashada horjoogahan ayaa si toos ah ugu xirnaanaysa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii Luuliyo 2025, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagaha baadda ah ay la macno tahay maalgelin argagixiso, kuna xadgudbeysa sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee la dagaalanka maalgelinta argagixisada sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay NISA.

"Hay’adda NISA waxay mar kale u digeysaa ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in aysan bixin wax lacag ah oo lagu taageerayo Al shabaab, maadaama ay taasi si toos ah u taageereyso kooxo hubeysan oo khatar ku ah amniga dalka iyo nolosha shacabka." ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA.

Sidoo kale, hay’addu waxay ku Boorisay shacabka Soomaaliyeed in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan laamaha amniga marka ay la kulmaan cabsi, baad, hanjabaad ama dhaqdhaqaaqyo looga shakisan yahay Alshabaabnimo.