8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2025
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo
 

Isniin, Luulyo 28, 2025 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helaya weerar Xalay ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa dowladda Itoobiya ku qaadeen xero ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan gudaha degmada Doolow ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowlada lagu weeraray xeradii ay ku lahayeen degmadaas, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Dagaalka Xalay ka dhacay Doolow ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah, hayeshee wali si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha saxda ah.

Wali si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa in ciidanka Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ay weeraraan xerada ciidanka NISA ee ku lahayeen degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xeradaasi xalay la weeraray iney joogeen ciidamo taabacsan Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan la sheegay in dowlada Fedaraalka u magacaawday taliyaha NISA ee gobolka Gedo, waxaana xusid mudan in ciidamo ka amar qaata Cabdirashiid Janan iyo Jubbaland in maalmahii lasoo dhaafay ay ku dagaalamayaan degmada Baladxaawo.

Dowladda Fedaraalka iyo maamulka Jubbaland ayaa la filaya in saacadaha soo socda siyaabo kala duwan uga hadlaan dagaalka xalay ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo. 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saakay xaaladu tahay mid dagan walow dadka deegaanka ay wali ka cabsi qabaan in markale uu dib u qarxi karo dagaalka u dhaxeeya ciidanka NISA iyo kuwa Jubbaland oo garab ka helaya Militeriga Itoobiya.