Isniin, Luulyo 28, 2025 (HOL) - Qaar ka mid ah qoysas Soomaaliyeed oo ka barakacay dagaallo culus oo ka socda degmada Beled-Xaawo iyo deegaannada ku dhow ayaa gaaray degmada Mandheera ee dalka Kenya, sida uu xaqiijiyay Ururka Bisha Cas ee Kenya.
Laanta Bisha Cas ee Mandheera oo iskaashi la leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Mandheera ayaa sheegtay in 8 qoys oo Soomaaliyeed oo ay saameeyeen dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa taabacsan maamulka Jubbaland ay si nabad ah u soo galeen Kenya.
“Qoysaskan waxay xuduudda u soo gudbeen si ay uga baxsadaan rabshadaha ka jira degaanadooda, Waxaana la siiyay kaalmo degdeg ah oo ay ka mid yihiin hoy, biyo iyo daryeel caafimaad,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Bisha Cas ee Kenya.
Sii xoogeysiga colaadda ayaa keentay barakac hor leh, waxaana la sheegay in qoysas kale ay sidoo kale u socdaan dhanka xuduudda.
Hay’adaha gargaarka iyo maamulka gobolka ayaa si dhow ula socda xaaladda, iyaga oo isu diyaarinaya in ay qaabilaan dadka kale oo tagi Kara degaanada xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Mandheera waxay sheegeen in dadka ka soo cararaya dagaalka loo wajahayo si naxariis leh oo sharfan, iyaga oo xusay xiriirka dhow iyo hiddo-wadaagga ka dhaxeeya bulshada labada dhinac ee xuduudda.
Barakacaan cusub ayaa yimid xilli ay isa soo tarayaan walaacyada laga qabo ammaanka dadka rayidka ah ee ku sugan gobolka Gedo, halkaas oo mar kale uu qarxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Jubbaland.