Isniin, Luulyo 28, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay shan (5) eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay sameeyeen muuqaal si khaldan u muujinayay askari dharcad ah oo dhacaya qof jalaatoole ah.
Muuqaalkan ayaa shalay si weyn loogu faafiyay baraha bulshada oo ay ka dhalatay falcelin weyn, waxaana markii dambe la ogaaday in uu yahay mid loo jilay si ula kac ah sida ay Booliska sheegeen.
Baaritaanno degdeg ah oo ay sameeyeen booliska ayaa lagu xaqiijiyay in muuqaalkaasi yahay been abuur lagu doonayay in lagu sumcad dilo hay’adaha amniga, laguna marin habaabiyo dadweynaha.
Eedeysanayaasha ayaa la qabtay, waxaana la filayaa in si degdeg ah loo horgeeyo maxkamadda awoodda u leh.
Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay in ay uga digayaan shacabka Soomaaliyeed faafinta warar iyo muuqaallo aan la hubin oo wax u dhimaya amniga iyo kalsoonida dadweynaha.
Sidoo kale, hay’adda amniga ayaa sheegay in cid kasta oo lagu helo abuurka, duubista, ama faafinta muuqaallo noocan ah laga qaadi doono tallaabo sharci ah.