8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2025
Somaliland oo sheegtay in xidhiidhkeeda Taiwan aanu dhaawacayn madaxbannaanida Shiinaha
 

Talaado, Luulyo 29, 2025 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in heshiiska badda ee ay dhawaan la gashay jasiiradda Taiwan aanu ka hor imanayn danaha Shiinaha, isla markaana uu yahay heshiis iskaashi oo ku salaysan ilaalinta amniga baddaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in ay Somaliland ka xuntahay haddii Shiinuhu u arkay in heshiiska Taiwan uu khatar ku yahay danihiisa, balse uu heshiisku ku qotomo danaha Somaliland, gaar ahaan dhismaha ciidankeeda badda iyo ilaalinta guud ahaan biyahaheeda.

"Somaliland waa dal, cid kasta oo ay danteeda kala shaqayn karto waanu la shaqaynaynaa. Anagu uma aragno in aanu Shiinaha wax dambi ah ka galnay. Waa dal aanu ixtiraam u hayno, wax dhibaato ah oo aanu ka galnayna ma garanayno. Xeebta aanu ka wada hadlaynana waa xeeb ku taalla Somaliland, xeeb Shiinaha ku taallana maaha," ayuu yidhi Wasiirka, oo waraysi siiyay BBC Somali.

Wasiirku waxa uu sheegay in heshiisku aanu ahayn mid cusub, balse uu yahay isfahan hore u dhexmaray Taiwan iyo Somaliland, kaas oo isaga iyo waftigiisu ay sii ambaqaadeen, una beddeleen heshiis rasmi ah. Maaddaama ay Taiwan leedahay ciidan iyo khibrad xooggan oo dhinaca baddaha ah, ayuu sheegay in ay Somaliland ka caawin doonto dhankaas.

"Ciidankooda ilaalada xeebuhu aad buu u fiican yahay. Inaguna waddan soo dhismaya ayaanu nahay, waananu u baahanahay haddii ay tahay dhanka qalabka, tababarka, ama ilaalinta badda. Wixii ku saabsan ilaalinta xeebta waanu iska kaashanaynaa," ayuu yidhi Wasiirku.

Hadalka wasiirka ayaa jawaab u ah qoraal xalay kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo si adag uga hortimid heshiiska ay wada gaadheen Somaliland iyo Taiwan ee ku saabsanaa iskaashi dhanka ilaalinta xeebaha. War-saxaafadeed ay safaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in tallaabada Somaliland ay si cad uga hor imanayso mabda’a hal-Shiine, isla markaana ay dhaawacayso midnimada, madax-bannaanida  dhul-weynaha Shiinaha.

Safaaraddu waxay caddeysay in dowladda Shiinuhu si buuxda uga soo horjeedo waxa ay ugu yeedheen "iskaashi siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Somaliland iyo maamulka Taiwan."

"Adduunka hal Shiinaha ayaa jira. Taiwan waa qayb aan laga goyn karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha, waxaana jirta hal dowlad oo sharci ah oo metesha dhammaan Shiinaha, taas oo ah Dowladda Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha," ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka safaaradda.

Sidoo kale, safaaraddu waxay ku tilmaantay xidhiidhka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan inuu yahay isku day siyaasadeed oo aan waxba ka beddeli doonin xaqiiqda ah in Taiwan aanay waligeed noqon doonin waddan madax-bannaan – "Hore uma ahayn, haddana aha, mustaqbalkana ma noqon doonto."

Shiinaha ayaa Taiwan u arka qayb ka mid ah dhul-weynihiisa, wuxuuna la dagaallamaa cid kasta oo xidhiidh la samaysa. Waxa uu hore u sheegay in uu cadaadis saarayo Somaliland isaga oo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya.