8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2025
Taiwan oo si adag uga jawaabtay cadhada uu Shiinuhu ka muujiyay heshiiska ay la gashay Somaliland
 

Talaado, Luulyo 29, 2025 (HOL) - Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa soo saaray war uu kaga jawaabayo hadallo iyo eedeymo kasoo yeedhay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, kuwaas oo lagu diidanaa heshiiskii dhawaan dhexmaray Taiwan iyo Somaliland ee ku saabsanaa iskaashiga dhinaca ilaalinta xeebaha.

Qoraal uu baahiyay Xafiiska Taiwan ayaa lagu sheegay in heshiiska cusub uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga badda, isla markaana uu la jaanqaadayo yoolka istiraatiijiga ah ee Somaliland ee ah in laga dhigo xeeb ka madax bannaan saameynta iyo faragelinta dibadda, si loo dhiso dhaqaalaha buluugga ah (Blue Economy).

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Taiwan ay diyaar u tahay inay sii xoojiso wada-shaqeynta ay la leedahay dalalka sida Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo kuwa gobolka, si loo sugo xasiloonida iyo kala dambeynta caalamiga ah ee ku saleysan xeerarka caalamka.

Taiwan waxay ugu baaqday Dowladda Shiinaha in ay joojiso ficilo ay ku tilmaantay cabudhin  iyo colaad hurin kuwaasi oo ay sheegtay in Shiinuhu ka wado gobolka, iyada oo sheegtay in halkii laga abuuri lahaa colaad, loo baahan yahay in la taageero nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Taiwan waxay  sheegtay in Taiwan iyo Shiinaha aanu midna mid kale xukumin, isla markaana Dowladda Shiinaha (PRC) waligeed aanay xukumin Taiwan xitaa hal ilbidhiqsi. Waxa kale oo lagu xusay in Taiwan ay tahay dal madax-bannaan oo aan marna hoos tagin nidaamka Beijing. Sidaas darteed, dadaallada Shiinaha ee lagu carqaladeynayo iskaashiga u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland ayaa lagu tilmaamay kuwo waxba kama jiraan ah.

Xafiisku wuxuu si gaar ah u iftiimiyay in Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2758 uusan marnaba xusin Taiwan sidii Shiinuhu ku andacooday, isla markaana aan lagu caddeyn in Taiwan ay ka mid tahay Shiinaha. "Qaraarku wuxuu si gaar ah u khuseeyay cidda ku matasha Shiinaha fadhiga Qaramada Midoobay, balse Beijing waxa ay si khaldan ugu fasirtay in uu xoojinayo mabda’a Shiinaha keliya.” Taiwan waxay sheegtay in kaliya dowladda sida dimoqraadi ah loo doortay ee Taiwan ay xaq u leedahay inay matasho shacabka reer Taiwan.

Dalalka G7 ayaa marar badan ku celceliyay diidmada ay ka qabaan isku day kasta oo lagu beddelayo meeqaamka jasiiradda Taiwan — sida in Shiinuhu isticmaalo xoog ama cabsi galin.

Dhanka kale, war kasoo baxay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, ayaa si adag loogaga horyimid heshiiska badda ee Somaliland iyo Taiwan, iyada oo lagu tilmaamay mid “xadgudub ku ah mabda’a Shiinaha kaliya.” Shiinaha ayaa ku andacooday in heshiiskaasi uu khatar ku yahay midnimada dhuleed ee Shiinaha, isagoo ugu baaqay in la joojiyo.

Somaliland ayaa iyaduna si adag uga jawaabtay eedaynta Shiinaha, waxayna sheegtay in heshiiska badda ee lala galay Taiwan uusan waxba u dhimayn danaha Shiinaha, balse uu yahay iskaashi amni iyo horumarineed. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa xusay in Somaliland ay heshiiska uga dan leedahay in ay xoojiso amaanka xeebaheeda.