8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2025
EUTM-S oo Dhameystirtay Wejigii Koowaad ee Tababarka Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliya
 

Talaado, Luulyo 29, 2025 (HOL) - Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S) ayaa si rasmi ah u dhameystiray wejigii koowaad ee tababarka loogu talagalay Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliyeed. 

Tababarkan oo socday muddo toddobaado ah ayaa lagu qabtay xarun milatari oo si gaar ah loogu diyaariyay ee gudaha Soomaaliya, iyadoo lagu baray ciidanka xirfado istiraatiijiyadeed oo sare, waxaana Barnaamijkan tababarka ah uu diiradda saaray kor u qaadista kartida dagaalka ee ciidamada gaarka ah.

Waxaana si gaar ah ciidankaan loo tababaray, Dagaalka magaalooyinka (urban warfare), Maaraynta khatarta qaraxyada iyo miinooyinka, Jawaabta degdegga ah ee xaaladaha amni-darro iyo Qorsheynta iyo fulinta howlgalada istiraatiijiyadeed.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Midowga Yurub uu ku taageerayo Soomaaliya si ay u gaarto isku-filnaansho dhanka amniga ah, xilli dalka uu wajahayay kala-guur uu ku doonayo in uu si buuxda ula wareego mas’uuliyadda amniga qaranka.

Taliyaha EUTM-S, Jeneraal Marco Manzone, oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka tababarka, ayaa si gaar ah u bogaadiyay xirfadda iyo kartida ciidamada Soomaaliyeed, Waxa uu sidoo kale ammaanay tababarayaasha reer Yurub ee door muhiim ah ka qaatay barnaamijka.

"Dedaalka iyo niyadda ay muujiyeen ciidamada Soomaaliyeed waxay muujinayaan isbeddel dhab ah, Waxaa laga dareemayaa inay diyaar u yihiin difaaca dalkooda iyo fulinta howlgal amniyeed oo casri ah.” ayuu yiri Jeneraal Marco Manzone.

Tababarkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee sugidda amniga gudaha, iyadoo ciidamadu ay hadda si wanaagsan ugu tababaran yihiin inay la tacaalaan khataraha gudaha iyo kuwa gobolka, Waxa uu sidoo kale kaalin ka qaadanayaa qorshaha ATMIS ee kala-guurka ciidamada Midowga Afrika.

Midowga Yurub ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhismaha awoodda ciidan ee waarta, taasoo ka qeyb qaadanaysa xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.