Talaado, Luulyo 29, 2025 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa talaadada maanta ah sheegay in muwaadiniinta wata baasaboorka Taiwan ay hadda si caadi ah u bilaabi karaan safarradooda ganacsi ee Soomaaliya isla markaana ay mari karaan garoomada diyaaradaha ee labada dal.
Bishii Abriil, Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday in dadka wata baasaboorka Taiwan ay galaan ama ay u sii kala gooshaan garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya.
Xayiraaddan waxay sidoo kale saameysay hawada maamulka Somaliland, oo aan si caalami ah loo aqoonsan, balse leh xiriir togan oo aan rasmi ahayn la leh Taiwan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay Talaadadii in dadaallo diblomaasiyadeed oo badan kadib, dadka wata baasaboorka Taiwan aysan hadda la kulmi doonin caqabado marka ay u safraan Geeska Afrika, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee CNA.
Mas’uuliyiintu waxay uga mahadceliyeen waddamada saaxiibka la ah taageeradooda ku aaddan xalinta arrintan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa booqday Taiwan toddobaadkii hore, taasoo noqotay booqashadii ugu horreysay ee uu dalkaasi ku tago xubin ka tirsan golaha wasiirada cusub ee la dhaariyay dabayaaqadii sanadkii hore.