8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2025
Axmed Rashiid oo si weyn looga yaqaan Kenya oo Maxkamad La Soo Taagay

Talaado, Luulyo 29, 2025 (HOL) - Axmed Rashiid, oo hore uga tirsanaa ciidanka booliska Kenya, ayaa lasoo taagay maxkamad ku taalla magaalada Nairobi, isagoo wajahaya eedeymo culus oo la xiriira dilal uu geystay xilligii uu booliska ka tirsanaa.

Muuqaal laga daawaday maxkamadda ayaa si cad u muujinaya Axmed Rashiid oo si toos ah u tooganaya laba dhalinyaro ah agagaarka suuqa Amal ee xaafadda Islii ee  magaalada Nairobi. 

Muuqaalkan, oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada sanadihii hore, ayaa ah mid si qoto dheer u taabanaya dareenka shacabka.

Waxaa muuqaalka laga arkay Axmed Rashiid oo bastoolad ku haya wiil dhalinyaro ah, isagoo dhabarka ka taagan, kadibna rasaas ku ridaya, Intaa kadib, waxaa la maqlayaa isagoo codsanaya bastoolad kale si uu u dhammeystiro mid ka mid ah dhalinyaradii dhaawacantay.

Axmed Rashiid waxaa lagu eedeynayaa inuu si sharci-darro ah u toogtay dad rayid ah, inkastoo uu horey ugu caan baxay la dagaalanka kooxo burcad ah oo si gaar ah ugu firfircoonaa xaafadda Islii. 

Kooxahaasi, oo la baxay "Super Power", ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dhac iyo dhibaatooyin joogto ah oo ay la kulmayeen dadka deegaanka.

Kiiska Rashiid ayaa dhaliyay dood weyn oo ku saabsan awoodda booliska iyo xadgudubka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, Qaar ka mid ah shacabka ayaa u arka geesi lagu abaalmariyo, halka kuwa kalena ay dalbanayaan in cadaaladda la marsiiyo si looga hortago xadgudubyada noocan oo kale ah.

Maxkamaddu waxay sii wadi doontaa dhageysiga kiiskan maalmaha soo socda, iyadoo la filayo in la helo markhaatiyo dheeraad ah iyo caddeymo kale oo kusaabsan dhacdooyinkii dhacay.