8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 29, 2025
Baarlamaanka Puntland oo Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay hurinayso colaado qabyaaladeed iyo siyaasadeed

Talaado, Luulyo 29, 2025 (HOL) - Golaha Wakiillada Puntland ayaa soo saaray qaraar si adag loogu cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha colaadaha ka taagan gobollada Sanaag, Haylaan iyo Gedo.

Qaraarkan oo kasoo baxay fadhiga 56-aad, kalfadhigiisa 24-aad, ayaa Golaha Wakiilladu ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay mas’uul ka tahay qalalaasaha iyo xasilooni darrada ka jirta deegaanadaas. Waxa lagu sheegay in dowladda dhexe ay si ula kac ah u hurinayso colaado qabyaaladeed iyo siyaasadeed, taasoo waxyeello ku ah nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada deegaanka SSC.

Goluhu wuxuu sidoo kale si gaar ah u cambaareeyay weerarkii ay Dowladda Federaalka ku qaaday Gobolka Gedo ee Jubbaland, isagoo sheegay in ay tahay duullaan sharci-darro ah oo halis gelinaya midnimada shacabka deegaankaas. Waxayna tacsi u direen shacabka waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaasi.

Baarlamaanka Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in xaaladda amni ee ka sii daraysa gobollada dhexe ay u baahan tahay iskaashi dhab ah oo dhex mara Galmudug, Hirshabeelle iyo dowladda dhexe, si looga hortago halista Al-Shabaab.

Sidoo kale, Golaha Wakiillada Puntland ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay si buuxda u garab istaagto dowladda Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah, iyadoo la siinayo taageero muuqata oo dhanka amniga iyo sirdoonka ah si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.