8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2025
Danjire El Hadji Ibrahima Diene oo si rasmi ah ula wareegay xilka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya
 

Arbaco, Luulyo 30, 2025 (HOL) - Danjire El Hadji Ibrahima Diene “Boly” ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa isagoo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya iyo Madaxa AUSSOM.

Wuxuu soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Masuuliyiintii soo dhoweeyay waxaa ka mid ahaa Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Isxaaq Maxamuud Mursal; Ku-xigeenka SRCC, Danjire Mouktar Osman Karie; Taliyaha Ciidamada AUSSOM, S/Guuto Sam Kavuma; Ku-simaha Taliyaha Booliska, ACP Samuel Osiedu Okanta; iyo Madaxa Waaxda Ilaalinta, Xuquuqda Aadanaha iyo Jinsiga, Dr. Cumar Cabdulle Alasow.

Danjire Diene ayaa la sheegay inuu leeyahay khibrad ballaaran, isagoo horey uga soo shaqeeyay jagooyin kala duwan oo xeel-dheer, hawlgal iyo istiraatiiji ah, gudaha iyo dibaddaba dalka Senegal.

Wuxuu khibrad dheer u leeyahay xaaladaha colaadaha iyo qalalaasaha ee Galbeedka, Bartamaha iyo Bariga Afrika. Wuxuuna si firfircoon uga qayb galay howlgalada nabad-ilaalinta ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Suuriya iyo Mali, iyo sidoo kale howlgal siyaasadeed sida UNOCA.

Wakiilka cusub ee baddelay Amb. Mohamed El-Amine Souef horey ayuu u soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) iyo Madaxa Hawlgalka Kumeelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Waxaa xilkaan loo magacaabay 1-dii Sebtembar, 2022. Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Xafiiska Gobolka ee Hawlgalka Isku-dhafan ee Qaramada Midoobay ee Xasilinta Mali (MINUSMA), isagoo joogay magaalada Gao.

Souef ayaa bishii March ee sannadlan loo magacaabay Madaxa Shaqaalaha cusub ee Midowga Afrika.