Arbaco, Luulyo 30, 2025 (HOL) - Sowda Ahmed Mohamud, oo ah muwaadinad Soomaaliyeed, ayaa lagu xukumay maxkamadda federaalka Mareykanka kadib markii ay qiratay dambiyo la xiriira sheegasho been ah oo ay ku dalbatay magangelyo iyo markhaatifur been ah oo ay ka sheegtay maxkamad socdaal.
Sowdo ayaa lagu helay dambiyo saddex ah oo ku saabsan warbixinno been ah oo ay ku buuxisay dukumentiyo socdaal iyo qarin xog muhiim ah oo khatar ku ah amniga qaranka Mareykanka.
Sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska xeer-ilaaliyaha federaalka, dambiyada lagu soo oogay haweeneydan waxay kasoo ifbaxeen kadib baaritaan sanado qaatay oo ay sameeyeen FBI-da San Diego iyo kooxda la dagaallanka argagixisada (JTTF).
Bishii Maarso 2024, ayaa si sharci darro ah kaga tallaashay xadka Mareykanka, iyadoo sheegatay inay tahay magangelyo-doon. Balse baaritaan ay sameeyeen ciidamada ilaalada xuduudaha iyo FBI-da ayaa lagu ogaaday in ay tahay qof lala xiriirinayo falal argagixiso ama dad ku lug leh.
Intii lagu guda jiray dacwadeedii socdaalka, waxaa la sheegay inay si cad u qiratay in ay si ula kac ah u qarisay in horey ay uga codsatay sharciyad degenaansho dalalka Mareykanka, UK, iyo Brazil, iyadoo sheegtay in aanay weligeed dalban.
Sidoo kale, waxay been ka sheegtay walaasheed oo ku sugan Mareykanka oo iyaduna sugaysay go’aanka socdaalkeeda. Waxa kale oo baarayaashu heleen in Sowdo ay qarisay walaalkeed Maxamed Axmed Qahiye, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ururka ISIS-Somalia, kaas oo xiriir la leh falal argagixiso, sida uruurinta lacag, hub, iyo la shaqeynta kooxo dibadda ah.
Kadib in ka badan 15 bilood oo ay ku jirtay xabsi socdaal, haweeneydan ayaa lagu xukumay 48 maalmood oo xarig ah, taas oo u dhiganta waqtigii horay loo xirtay. Maxkamaddu waxay amar ku bixisay in si degdega Mareykanka looga masaafuriyo.
Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Adam Gordon ayaa sheegay in kiiskan uu tusaale u yahay sida dowladda Mareykanka uga go’an tahay la dagaallanka dadka si been abuur ah ugu soo galaya dalka, gaar ahaan kuwa khatarta ku ah amniga qaran. Waxa uu sheegay in lagu jiro dadaal lagu ilaalinayo nidaamka magangelyada si loo xaqiijiyo in cidda xaq u leh oo keliya ay hesho.