8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2025
Somaliland oo Maraykanka siinaysa saldhig ciidan iyo heshiis macdanta ah si ay aqoonsi uga hesho
 

Arbaco, Luulyo 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in xukuumadiisu xidhiidh fiican la samaysay Waaxaha Difaaca iyo Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, isaga oo muujiyey in Somaliland diyaar u tahay in ay martigeliso saldhig ciidan oo Maraykanku ka samaysto magaalada Berbera.

Madaxweynaha oo waraysi siiyay Blooberg ayaa xusay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay Maraykanka siiso heshiis dhinaca kheyraadka macdanta ah, gaar ahaan kuwa muhiimka ah ee sida lithium-ka, isagoo xusay in arrintani qayb ka tahay dadaalka Somaliland ee raadinta aqoonsi caalami ah.

Madaxweyne Cirro wuxuu ku nuuxnuuxsaday in inkasta oo aqoonsigu yahay hadafka ugu weyn ee Somaliland, haddana waddadu ay tahay in lala shaqeeyo beesha caalamka iyadoo laga duulayo arrimaha amniga, ganacsiga, la dagaalanka argagixisada, budhcad-badeedda iyo tahriibka.

"Haddii Maraykanku danaynayo inuu saldhig ka sameysto Somaliland, waanu soo dhawaynaynaa," ayuu yidhi madaxweynuhu, isaga oo intaa ku daray inuu diyaar u yahay in uu siiyo Maraykanka heshiis ku saabsan macdanta muhiimka ah ee lithium-ka.

Inkasta oo Somaliland aanay hadda soo saarin lithium, haddana waxa hore loogu ogolaaday shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yidhaahdo Kilomass Co. inay sahamiso dhul ay suuragal tahay in ay ku jirto macdan lithium ah, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Somaliland Chronicle bishii Juun 2024.

Intaa waxaa dheer, Somaliland waxa kale oo laga helaa kheyraad kale sida dhuxusha birta (tin), dhagaxaanta qaali ah (gemstones), iyo macdanta warshadaha ee ay ka mid yihiin gypsum, alaabaha sibidhka, iyo dahab, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyey African Mining bishii Juun 2023.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu qorshaynayo inuu booqasho rasmi ah ku tago Maraykanka si uu halkaas ugala xaajoodo arrimo ku saabsan iskaashi ballaadhan oo u dhexeeya labada dhinac, isagoo caddeeyey in Somaliland aysan ka dhigin shuruud rasmi ah in Maraykanku aqoonsado si uu heshiisyadaas u dhacaan.

“Heshiisyada aan la galeyno Maraykanka kuma xidhna in la aqoonsado Somaliland, laakiin waxaannu u aragnaa in iskaashigaas uu horseedi karo faham iyo garawshiiyo wanaagsan,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxweynahu sheegay in Somaliland ay leedahay istaraatijiyad muddo fog ah oo ku saleysan sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha, iyo xoojinta xidhiidhka caalamiga ah — taas oo qayb ka ah istaraatijiyadda lagu gaadhayo aqoonsiga rasmiga ah.

Madaxweyne Cirro waxa uu carabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay dal nabadeed oo leh nidaam dimuqraadi ah, kana go’antahay in uu gacan ka gaysto xasilinta gobolka Geeska Afrika iyo ilaalinta danaha waddamada saaxiibka ah.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu tilmaamay in la joogo xilligii la xaqiijin lahaa doorka Somaliland ee gobolka, isla markaana laga jawaabi lahaa dadaalka ay ugu jirto sidii ay u heli lahays aqoonsi caalami ah oo ay mudan tahay.