8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2025
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir Guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Sanduuqa Qaranka ee Isbeddelka Cimillada
 

Arbaco, Luulyo 30, 2025 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Biixi Imaan Cige ayaa maanta Guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee Guddiga Sare ee Hagidda ee Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka cimillada, kaas oo si rasmi ah loogu daah-furay hannaanka cusub ee Maaliyadda Cimillada ee Soomaaliya. 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa helitaanka iyo ka faa’iidaysiga maaliyadda cimillada (Climate Financing), iyo sidii loo xoojin lahaa mashruucyada maalgashiga u qalma. Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee Sanduuqa Qaranka ee Isbeddelka Cimillada. 

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay, Wasiiradda Qorsheynta, Deggaankaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Dib u Dhiska dalka, iyo Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka cimillada. Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta ay Soomaaliya la leedahay Hey'addaha calaamiga ah ka shaqeeya arrimaha Isbeddelka Cimillada iyo deegaanka. 

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay sida wayn u saamaysay Isbeddelka Cimillada iyadoo inta badan ay Gobollo badan oo dalka ah ay ka dhacaan fatahaado iyo Abaaro soo noqnoqda oo ay sababto roob yaraan. Sanduuqa Qaranka ee Isbeddelka Cimillada ayaa waxaa Xeer Madaxweyne ku aasasay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Fulinta Sanduuqa Liiban Obsiye.