Arbaco, Luulyo 30, 2025 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay hay’adaha Qaramada Midoobay ee xafiisyada ku leh deegaannada Puntland in ay diideen inay soo gudbiyaan xisaab-xirka sanadlaha ah ee mashaariicda ay ka fuliyaan degaanadeeda.
Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay inay Hantidhowrka Guud ee Puntland ka heleen warbixin muujinaysay in siddeed hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo kasoo jawaabay qoraal loo diray aysan soo gudbin xisaab-xirka mashaariic ku kacaya $123.5 milyan oo la fuliyay sannadkii hore ee 2024
Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, oo ka tirsan guddiga Maaliyadda, ayaa sheegay in hay’aduhu waajib ku tahay inay si sanadle ah u soo gudbiyaan miisaaniyadooda iyo xisaab-xirkooda si loo helo isla xisaabtan iyo hufnaan. Waxa uu xusay in 20 sano ay ku qaadatay Puntland in hay’aduhu ugu yaraan u soo gudbiyaan hantidhowrka miisaaniyadda mashaariicda ay Puntland ka fuliyaan sannad kasta.
“20 sano ayay nagu qaadatay in hay’aduhu noo soo gudbiyaan miisaaniyadda mashaariicda ay Puntland ka fulinayaan. Waxaa muuqata in 20 sano oo kale ay nagu qaadan doonto in ay noo soo gudbiyaan xisaab-xirka rasmiga ah ee mashaariicdaasi,” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane.
Sannadkii hore, Baarlamaanka Puntland ayaa ku amray in dhammaan hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Puntland ay u soo gudbiyaan Hantidhowrka Dowladda miisaaniyadda iyo xisaab-xirka mashaariicdooda, hase yeeshee lama helin wax hay’ad ah oo amarkaasi fulisay.
Puntland ayaan weli wax baaritaan ah ku samayn dhaqaalaha hay’aduhu kusoo qaataan mashaariicda ay ka fulinayaan gudaha Puntland. Marar hore oo badan ayaa doodde ka dhasheen in dhaqaalaha badan oo ay hay’aduhu kusoo qaataan mashaariicda aysan ka tegin wax tar badan oo wax ka bedesha nolasha dadka iyo deegaanka.