Khamiis, Luulyo 31, 2025 (HOL) - Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan dagaaladii dhowaanahaan ka dhacayay degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.
Golaha Wasiirrada ayaa si rasmi ah u ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay Xukuumaddu sheegtay in ay si geesinimo leh uga hortageen falal amni darro oo lagu wiiqayay xasilloonida gobolka, Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka shacabka Degmada Balad-Xaawo, kuwaas oo si dhow ula shaqeeyay hay’adaha amniga, iyaga oo muujiyay wacyi iyo taageero dhab ah oo ay u hayaan dowladnimada.
Xukuumadda Soomaaliya waxay mar kale adkaysay in ay mudnaan gaar ah siineyso dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagexisada ee cadowga ku ah shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri Bayaan kasoo baxay Shirkii maanta ee Golaha Wasiirada.
Dowladda ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha argagixisada ah, isla markaana loo xaqiijin lahaa amniga iyo horumarka guud ee dalka.
Golaha Wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen in cid kasta oo ka shaqeysa fowdo iyo khal-khal galin ay caqabad ku tahay dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, loogana baahanyahay in la iska kaashado sidii loo sugi lahaa xasilloonida dalka.
Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada waxay sidoo kale ansixiyeen: Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka ee Maareynta Maaliyadda Dowladda iyo Xisaab-xirka Maaliyadeed ee sanadka 2024
Labadan go’aan ayaa qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda ee lagu xoojinayo isla xisaabtanka, daahfurnaanta maaliyadeed iyo horumarinta maamulka dowliga ah.