8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2025
Dowladda Soomaaliya oo kaarka Aqoonsiga Qaran ku xirtay helitaanka adeegyada bangiyada
 

Khamiis, Luulyo 31, 2025 (HOL) - Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo hadda, muwaadiniinta ay qasab tahay in ay soo bandhigaan kaar aqoonsi qaran si ay u helaan adeegyada bangiyada, sida furashada xisaabaad, bixinta iyo dhigashada lacagta, iyo codsashada amaahda.

Tallaabadan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) iyo Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, ayaa marka hore ka dhaqan gelaysa gobolka Banaadir ka hor inta aan laga hirgelin guud ahaan dalka.

Bangiga Dhexe ayaa sheegay in xeerkan cusub uu yahay mid lagula dagaallamayo isticmaalka aqoonsiyada been abuurka ah, lacag-dhaqidda sharci darrada ah, looguna talagalay in lagu adkeeyo amniga adeegyada maaliyadeed. Tani waxay qeyb ka tahay Qorshaha Isbeddelka Qaran ee la meel mariyay bishii Maarso 2025, kaasoo lagu dhisayo hay’ado dowladeed oo casri ah, isla markaana lagu xoojinayo kalsoonida muwaadiniinta.

Soomaaliya ayaa muddo ka badan 30 sano la’aaneed nidaam aqoonsi oo rasmi ah tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991. Bishii Sebtembar 2023 ayaa dalka laga bilaabay bixinta kaarar biometrik ah, waxaana laga hirgeliyay meelo ay ka mid yihiin Muqdisho, Galmudug, Hirshabeelle iyo Laascaanood.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi ayaa sheegay in nidaamkan aqoonsiga qaran uu xal u yahay dhibaatooyin badan oo dalka ka jiray, sida doorashooyinka, amniga, iyo helitaanka fursadaha dhaqaale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay aqoonsiga qaran "laf-dhabarta amniga qaranka", isagoo xusay in maqnaanshaha aqoonsi rasmi ah uu caqabad weyn ku ahaa la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta adeegyada dadweynaha.