Axad, Luulyo 6, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalo xeebeedka Al-calmayn dalka Masar, halkaas oo uu ka helay martiqaad rasmiya uu u fidiyay dhigiisa dalkaasi.
Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda Masar Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.
Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab sida lagu yiri war laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya.
Warbaahinta dalka Masar ayaa hadal haysay maalmihii lasoo dhaafay in Madaxda Dalalka Masar iyo Soomaaliya ay kulankoodi diirada ku saari doonaan arrimaha badda Cas, imaamshiyaha ciidamada Masar ee kusoo biiraya Howlgalka AUSSOM.
Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo ay gobolka xiisad ay ka jirto, Dowladda Ethiopia ayaa qorsheeneysa inay munaasabad furitaan ay u sameyso biya xireenka ay ku sameysay wabiga Nile oo ay diidanaayeen wadamada Sudan, iyo Masar halka ay Ethiopia ay dowladahaasi iyo Soomaaliya ba ku marti qaaday ka qeyb galka munaasabadaasi.