8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 7 , 2025
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo dhacay deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan

Isniin, Luulyo 7, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ayaa laga helaya dagaal culus oo galinkii dambe ee Shalay ka dhacay deegaanka Ceel hareeri ee gobolka  Hiiraan, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Macawiisleyda Xawaadle iyo kuwa kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii cidanka Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku aruursanaayay dhul howd ah oo u dhaw deegaanka Ceel hareeri.

Waxaa lasoo wariyay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana dhawaqa hubka culus laga maqlayay deegaano ka fog fog halka uu dagaalka ka dhacay.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo soo gaaray Xalay fiidkii ayaa sheegaya in jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay goobo ay gambaadkadhiganayeen. 

Dagaalkaan ayaa ah mid daba socday dagaal qaraar oo Sabtigii ka dhacay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo Al-shabaab looga qabsaday deegaanada kala Gumare iyo Ceel qooxle.

Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha hoggaamineysa dagaalka u dhaxeeya Macawiisleeyda Xawaadle iyo Al-shabaab waxay warbaahinta u sheegeen in dagaalka aysan joojin doonin ilaa kooxdu ay ka saaraan guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.