Isniin, Luulyo 7, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax ismiidaaminn ah uu goordhaw ka dhacay gudaha magaalada Moqokori, kaasoo jugtiisa si weyn looga maqlay guud ahaan xaafadaha degmadaas.
Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaan ah iyo shacab ah.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa sheegaya in qaraxaan uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee wali si rasmi ah looma oga tirada dadka ku dhintay qaraxaan.
Sidoo kale wali majirto wax war ah oo kaso baxay dhanka maamulka degmada Moqokori iyo laamaha amaanka degmadaas oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxaan Ismiidaaminta ah ee goordhaw ka dhacay Moqokori.
Qaraxaan Ismiidaaminta ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo degmada Moqokori mudooyinkii dambe ku sugnaayeen ciidamo aad u tira badan oo isugu jira Macawiisleeyda deegaanka iyo kuwa dowladda Fedaraalka oo halkaasi ka waday abaabulka dagaalo ka dhan ah Al-shbaabka ku sugan deegaanada ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.