Hiiraan Online
8/12/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2025
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo lala eegtay ciidamada Kenya
Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidanka Booliiska dalka Kenya.
Ugu yaraan ilaa todobo askari ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen qarax miino ee lala beegsaday gaarigii ay wateen, xili ay marayeen wadada u dhaxeysa deegaanada lagu magacaabo Aresa iyo Khalalio ee ku yaala bariga magaalada Mandheera.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in qaraxa uu si gaar ah u qabsaday qeybta dambe ee gaariga ciidamada, taasina ay sababtay dhaawaca todobada askari.
Weerarkaan qaraxa miino loo adeegsaday ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay kooxda Al-shabaab oo inta badan deegaanada gobolka Waqooyi bari ee Kenya ka geysata weeraro isugu qaraxyo iyo kuwa toos ah.
Ugu dambeyntii deegaanada ka tirsan gobolka Mandheera ee xuduuda la leh Soomaaliya waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanaayay weerarro joogtada ah ee Al-shabaab ku bartilmaameedsaneyso qeybaha kala duwan ee ciidamada Kenya.