Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland, gaar ahaan Guutada 2-aad, Ururka 2-aad ee Daraawiishta, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo laga sameeyay tuulooyinka Malkaadhadhaja, Qalowlaha iyo meelo kale oo hoos yimaada gobolka, ayaa yimid kadib markii ciidamada ay heleen xog sirdoon oo muujineysa qorshe halis ah oo ay Kooxda Al shabaab u wadeen shacabka deegaanka sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysay howlgalkaani.
Taliyaha ururka 2-aad ee Daraawiishta Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Asad Axmed Maxamed (Asad Garweyne), ayaa sheegay in ciidamada ay hore u hayeen xog sugan oo la xiriirta dhaq-dhaqaaqa Kooxda Al-shabaab, taasoo u sahlay in ay si degdeg ah u fuliyaan howlgallo ka hortag ah oo guul kusoo dhammaaday.
"Waxaan horay u haynay xog cad oo ku saabsan qorshaha cadowga, waana sababta aan si dhakhso ah uga hortagnay dhagartaasi," ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Asad Garweyne.
Warbaahinta Jubaland ayaa ku warantay in Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay horey u qaaday dhowr howlgal oo ay ku fashiliyeen weerarro ay kooxaha argagixisada ku doonayeen inay ku beegsadaan shacabka iyo xasiloonida guud ee deegaannada Jubbaland.