Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) - Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxa ka socda abaabulkii ugu dambeeyay ee ku aadan dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo sidii looga xureyn lahaa degmada Moqokori oo kooxdu la wareegtay laba maalin ka hor.
Maxaas waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka oo uu hormuud u yahay u qeybsanaha xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ee ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan.
Masuuliyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadlle ayaa saacadahii lasoo dhaafay halkaasi ku lahaa kulamo xasaasi ah oo aysan u kala kicin, waxaana kulamadaasi diirada lagu saaray sidii beeshu u mideyn laheyd cududa dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.
Kulamadaan ayaa ah kuwa lagu xalinaayo khilaafaad hoose oo soo kala dhexgalay hogaanada ciidanka Macawiisleeyda ee dagaalka culus kula jira Al-shabaab, taasoo kooxdu u sahashay in sadax sano kadib la wareegto degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Degmada Moqokori oo ah degmo istaraatiiji ah ayaa ku taalla meel u dhow xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, waxayna xiriirisa ku dhawaad 10 wado oo muhiim ah oo isku xira gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.