Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Horumarka Soomaaliya waxa saldhig u ah cilmi-baaris iyo qorshe qaran oo cad”

Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad xooggan oo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carabka ku dhuftay in qaran-dhisku uu yahay geeddi-socod u baahan xoojinta hay’adaha dowliga ah, kor u qaadista wacyiga bulshada, iyo dejinta qorshayaal fog oo ku saleysan cilmi iyo xog sugan.
“Dalku wuxuu hadda ku socda dariiqii horumarka iyadoo laga duulayo cilmi-baarisyo iyo qorshayaal cad,” ayuu yiri, isagoo xusay in qorshayaasha sida Qorshaha Isbeddelka Qaranka, Hiigsiga 2060, iyo NTP-2025-2029, ay saldhig u yihiin horumar waara.
Ra’iisul Wasaare Xamsa wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay doorka ay leeyihiin aqoonyahannada Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay xoogga saaraan cilmi-baarista la xiriirta arrimaha nolosha bulshada sida: Yareynta saboolnimada, Wax ka qabashada isbeddelka cimilada, Horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, Xoojinta nabadda iyo xasilloonida.
“Dowladda Soomaaliyeed waxay la timid aragti qaran oo sal adag ku leh cilmi-baaris. Sidaas darteed, aqoonyahanka iyo haldoorka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay door muuqda ka qaataan sahanka halka uu dalka u socdo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Ra'iisul wasaaraha in dowladdu ay diyaar u tahay hogaaminta horumar waara oo lagu dhisayo istaraatiijiyad cad, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo khayraadka dabiiciga ah iyo awoodda shacabka, gaar ahaan dhallinyarada.