8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 9 , 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo saanad Militari ku wareejisay gudoomiyaha gobolka Hiiraan
 

Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) - Masuuliyiin ka socday maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta saanad Militeri ku wareejiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye.

Agabkaan Militari ayay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ugu talo gashay ciidamada dadka deegaanka iney kula dagaalamaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Munaasabadda ka dhacday degmada Feer Soomaaliya ayaa agabkaan Militeri waxaa ku wareejiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Hoggaan ku xigeenka Xafiiska Nabadgelyada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Idiris Jibriil oo ay wehlinayeen masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa Taliyaha Guud ee Booliska dowlad deegaanka Itoobiya Sarreeye Guud Cabdi Cali Siyaad, Taliyaha Sirdoonka ciidanka Milateriga bariga Itoobiya Kornayl Xasan iyo saraakiil kale.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye oo ay weheliyaan dhankiisa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, Odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin kale ayaa uga mahadceliyay madaxda dowlad deegaanka taageerada ay maanta soo gaarsiiyeen.

"Gurmadkaan nasoo gaarsiiyeen Walaalaha dowlad deegaanka waa tallaabo dhiirrigelin leh oo tusaale mudan in lagu daydo, madaama dagaal culus oo halgan ah ay kula jiraan dadka reer Hiiraan kooxda Alshabaab, waan soo dhaweynaya cod kasta oo nagu garab siineysa dagaalka Khawaarijta" ayuu yiri gudoomiye Muuse Salaad Wehliye. 

Si kastaba ha ahaatee Madaxda ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ballan qaaday in aay sii wadi doonaan garab istaaga dadka ree Hiiraan howlgalka kula jira Al-shabaab.

Ugu dambeyntii taageeradaan Milatari ee ka timid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kusoo aadeyso xili aad muhiim u ah oo ay dadka reer Hiiraan dagaalo culus kula jiraan Al-shabaab mudo sadax sano ah.