Axad, Juun 1, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub oo lagu dhisay hay’ad u gaar ah ilaalinta badqabka kalluunka iyo sugnaanta cuntada ee dalka Soomaaliya.
Xeer-nidaamiyahan cusub ayaa ah mid Wasaaradu ku dooneyso iney ku hormariso nidaamka lagu maamulayo kheyraadka kalluunka iyo sidii loo hubin lahaa tayada Kaluunka loo iib geynayo suuqyada gudaha dalka iyo dibadda.
"Hay’adan cusub ayaa kaalin mug leh ka qaadan doonta ilaalinta badqabka kalluunka, iyada oo sare u qaadaysa kalsoonida macaamiisha iyo ganacsatada. Xeerkani wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa suuqgaynta kalluunka Soomaaliyeed, dhoofintiisa, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug.
Dhismaha hay'addan cusub ayaa sidoo kale la filayaa iney door weyn ka qaadan doonto sumcadda kaluunka Soomaaliyeed iyo dakhliga laga heli doono, maadama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hodan ku ah khayraadka badda.
"Guud ahaan, xeerkan cusub ayaa dhiirrigelinaya kobaca dhaqaalaha dalka ee kasoo xaroon doona dhoofka kalluunka, isagoo abuuraya jawi ganacsi oo sharciyeysan, hufan, isla markaana ilaalinaya badqabka cuntada" ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug.
Gabagabadii Hay’adan dhowrista badqabka kalluunka ayaa sidoo kale la filayaa inay kor u qaado xirfadaha shaqalaha kaluumaysiga iyo maamulka, islamarkaana gacan ka geysato ilaalinta deegaanka badda, si kalluunka Soomaaliyeed uu mustaqbalka u noqdo mid waara oo faa’iido badan u leh bulshada Soomaaliyeed.