6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 1 , 2025
Puntland oo degmada Badhan ka mamnuucday imtixaanka Somaliland in la geeyo
 

Axad, Juun 1, 2025 (HOL) - Puntland ayaa ka mamnuucday degmada Badhan ee gobolka Sanaag in la geeyo imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland, iyadoo maamulku soo saaray digniin adag.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland, ayaa sheegay in aan loo oggolaan doonin in imtixaan laga keenay Somaliland laga geliyo degmada Badhan iyo degaanada kale ee Sanaag Bari. Wuxuu sheegay in si mideysan loo go’aansaday in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo isku dayda inay imtixaankaasi geyso  gudaha degmada Badhan.

Guddoomiyaha Sanaag ayaa intaas ku daray, in Somaliland ay isku dayeyso inay imtixaanka ku soo geliso degmada Badhan siyaabo kala duwan, balse Puntland ay si buuxda ugu diyaar tahay inay ka hortagto arrintaas.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland oo dhawaan booqday Badhan ayaa la kulmay dhaleeceyn xooggan, iyadoo ay dadka deegaanku ay ka cabanayeen in sanad walba la geeyo halkaas imtixaanka Somaliland, taas oo keenta in ardaydu ay galaan labo imtixaan oo kala nidaam ah mid Puntland ah iyo mid Somaliland ah taasoo culays ku ah mustaqbalkooda waxbarasho.

Imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo 21-ka bisha Juun ee sanadkan. Sanaag  oo ay qeybo kamid ah Puntland maamusho ayaa kamid ah meelaha ay Somaliland geyso imtixaanka.