Talaado, Juun 10, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Changsha ee xarunta gobolka Hunan ee dalka Shiinaha waxaana uu ku biiraya wafuuda ka socota dalalka Afrika oo ay ka qeyb galayaan shirweyne ballaaran oo looga hadlayo iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.
Wasiirka ayaa Soomaaliya uga qeyb galaya Bandhigga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Shiinaha iyo Afrika oo ah madal dhinacyo badan leh oo diiradda lagu saarayo horumarinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Shiinaha iyo waddamada Afrika.
Shirkaan ayaa ujeeddadiisu tahay in la sii qoto dheereeyo iskaashiga mashaariicda horumarinta, ganacsiga, maalgashiga, iyo kobaca dhaqaalaha. Waxay iftiimin doontaa fursadaha lagu dardargelinayo dadaallada wadajirka ah ee kaabayaasha, wax soo saarka, iyo ganacsiga xudduudaha.
Wasiir Cabdisalaan ayaa la filayaa in uu kulamo laba geesood ah la yeesho mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Shiinaha iyo madaxda Afrikaanka ah, Wadahadalladan ayaa lagu lafa gurayaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo ballaarinta iskaashiga labada dhinac.
Bandhigga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Shiinaha iyo Afrika oo loo qorsheeyay inuu socdo dhowr maalmood, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa bandhigyo muujinaya fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee labada qaaradood, Wadamada ka qaybgalaya waxaa lagu wadaa inay kor u qaadaan warshadaha maxaliga ah, soo jiidashada maalgashadayaasha, iyo inay dhisaan iskaashi ganacsi oo xoogan oo ay la yeeshaan dhigooda Shiinaha.