6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 10, 2025
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo beenisay inay baxsadeen qaar kamid ah ergadii ka qeyb gashay shirka Geneva
 

Talaado, Juun 10, 2025 (HOL) - Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha internetka oo lagu sheegay in qaar kamid ah ergadii Soomaaliya uga qeyb gashay shirka caalamiga ah ee hay’adda ILC aysan soo laaban oo ay baxsadeen.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaradda ayaa lagu sheegay, in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, lana doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka, laguna dhaawaco sumcadda Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in wafdiga saddex geesoodka ah ee Soomaaliya ay si firfircoon uga qayb qaateen shirka ILC ee Geneva. Waxay sheegtay inta badan ergada inay soo laabteen kaddib markii ay soo dhameysteen howlahooda todobaadka koowaad, halka qaar ka mid ah madaxda sare ay u harsan yihiin gudashada waajibaadkooda sida shaqada guddiga iyo u codeynta go’aamada muhiimka ah. Ka-qaybgalka weftiga.

“Sheegashadan been abuurka ah ayaa u muuqata in ay ka soo jeedaan dad qurbo-joog ah oo aan waftiga lagu soo darin sababo la xidhiidha in aanay ka mid ahayn urur shaqaale oo la aqoonsan yahay iyo in aanay degenayn dalka Soomaaliya. Ka dib markii laga saaray, waxay bilaabeen olole been abuur ah oo internetka ah oo lagu beegsanayo wafdiga,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Wasaaraddu waxay sheegtay in wararka la faafiyay ay yihiin kuwa si ula kac ah loo sameeyay, waxayna sheegtay inay u diiwaan gelinayso kuwo sumcad dil ah sida uu qabo sharciga Soomaaliya iyo kan caalamiga ah. Waxay ku baaqday in tallaabo sharci ah laga qaado kuwa ka masuulka ah arrimahan.

Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu eedeeyay in dad gaar ah oo aan ka tirsanayn wasaaradda iyo uurada shaqaalaha ay kamid ahaayeen ergadii loo qaaday Geneva, kuwaas oo ay saxaafadda qeybtood qorayaan inay baxsadeen, doonayaan inay iska dhiibaan dalka Switzerland.