6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 10, 2025
Xildhibaano kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo cambaareeyay ganacsato lagu xiray Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland
 

Talaado, Juun 10, 2025 (HOL) - Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareeyay xarig sharci darro ah oo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo loogu geystay ganacsato kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay in ganacsatadan ay u xiran yihiin muddo Seddex maalin mid kamid ah beelaha deggan waqooyiga Gaalkacyo, kuwaas oo uu sheegay inay ku andacoonayaan nin lagu diley Koonfurta Soomaaliya oo ay ku tuhmayaan inuu dilay nin kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

“Koonfur galbeed waxaa dagta in ka badan 200 beel, beel dhibaato geystayna waxaa loo raadsadaa beesha gaarka ah ee dhibta geysatay ee bulsho dhan looma bartilmaameysto, arintaan waxey abuuri kartaa dhaqan aan wanaagsaneyn sababtoo ah Koonfurgalbeed waxaa ku nool dad reer Puntland ah oo soo galay deegaanada koonfurgalbeed ku dhawaad 50 sano kahor, Soomaali wey wada dagantahay waxaa habboon in la ilaaliyo wada daganaashaha iyo dhaqanka soomaaliga ah,” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid Jilley.

Xildhibaaanka ayaa ugu baaqay Maamulka Puntland inay soo fara gilinayaan arintaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo, sidoo kale Booliiska Puntland ayuu ugu baqay inay la xisaabtamaan dadka ka dambeeya falkaan.

Dhinaca kale Xidhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo isna katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sidoo kale cambaareeyay xariga Nabaddoono iyo Ganacsato kasoo jeeda Digil iyo Mirifle oo lagu xiray Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

"Waxaan aad u cambaareynayaa falka foosha xun ee lagula kacay dadka kasoo jeedo Koonfur Galbeed Soomaaliya taasi oo ah fal aad uga fog diinteena Islaamka iyo Dhaqanka suuban ee soomalinimada" ayuu yiri Xidhibaan Maxamed Barre Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, weli maamulka Puntland kama uusan hadlin dhacdadaan, xilli ay baraha  bulshada kasoo muuqdeen rag lugaha iyo gacmaha ka xir xiran oo lagu haysto hoy gaar ah.