Talaado, Juun 10, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa Kenya, Musalia Mudavadi, xilli uu socday Shirka heer-wasir ee Isuduweyaasha FOCAC, oo ka dhacay magaalada Changsha ee dalka Shiinaha.
War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Dhaay muhiimada uu Kulanka ula qaatay dhigiisa Kenya ay ahayd inuu ku adkeeyo in dhammaan wada-hadallada iyo iskaashiyada laba geesoodka iyo kuwa caalamiga ahba ay waajib tahay in lagu fuliyo oo keliya hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
Wasiir Cabdisalaan ayaa dhigiisa Kenya ku adkeeyey in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay tiir-dhexaad u ah deris wanaagga iyo xasilloonida gobolka.
Waxa uu uga digay dhammaan dhinacyada ku lugta leh gobolka in la dhiirigaliyo kooxo aan sharciyad lahayn ama sheeganaya gooni u goosad, taas oo uu ku sheegay in ay dhaawac ku tahay kalsoonida iyo wada-shaqeynta gobolka.
Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya Mudavadi ayaa si cad u muujiyay in Kenya ay weligeed garab taagneyd midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageeradaas iyadoo la jaanqaadaysa mabaa’diida deris wanaagga iyo wadajirka gobolka.
Ugu dambeyntii Labada wasiir waxay isla meel dhigeen in la dedejiyo kulanka Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah (JCC), si loo dhammeystiro heshiisyadii is-afgarad ee hakadka galay, loogana shaqeeyo horumarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo arrimaha amniga.